Kheyre Oo Shirka Garowe Ka Sheegay In La Xaliyo Muranka Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Maanta khudbad ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ee ka socda Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xal rasmi ah oo deg deg ah laga gaaro Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay, si ay u dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo la isla ogol yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadii aysan dhicin xalka gaarista Arrimaha doorashooyinka ay dhici karto in lala kulmo caqabado ka waaweyn howsha ay u joogaan Garoowe ee ah xalinta muranka doorashooyinka.

“ Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno ayuu yiri” Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Kheyre ayaa wuxuu soo hadal qaaday arrimaha deyn cafinta oo uu tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray wejigii koowaad, isaga oo xusay inay sababtay in lagu guuleysto dib u so celinta wada shaqeyntii Soomaaliya kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA).

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya Shirka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ku baaqeen in xal deg deg ah laga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka ee uu muranka ka taagan yahay.