Kheyrre oo la soo shaqeeyey madaxweyne Farmaajo oo xog kale banaanla keenay.

Raysalwasaarihii ee dalka Murashax Hassan Ali Khayre ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaalada hubanti la’aanta ah ee Farmaajo dalka geliyay. Qoraal uu soo saaray ayaa udhignaa sidan.;-.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni.

Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe.

Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa uu dib u dhac iyo sharaf xumo ku yahay dowladnimadeenna curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladeenna.

Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda.

Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.”