Muxuu yahay Khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay maamulka Gobolka Hiiraan?

Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maaddey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne.

Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey.

khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku hayo sida loo maamulayo lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas, kaas oo saamayn ku yeeshay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal.

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qabto shacabka Magaalada Beledweyne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaadaha wabiga.