Khilaaf cusub oo Xasan Sheekh & Xamse isku dhinac ah iyo Aadan Madoobe oo banaanka yimid.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamza oo isku dhinac ah iyo Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo soo shaacbaxay.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu codsi hordhigay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,kadib markii la isku fahmi waayey arinta Xukuumada lasoo dhisi doono.

Xogta laga helay khilaafka ayaa ka dambeeyey kadib markii Afhayeenka Golaha Shacabka Aadan Madoobe,uu ka dhiidhiyey qaabka iskood Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi Barre iskugu koobeen arinta Xukuumada cusub.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa cod dheer ku sheegay in beelaha digil iyo mirifle isaga uu yahay shakhsiga mudan in lagala tashado,islamarkaana uu xaq u leeyahay in doorkiisa la siiyo.

Wararka ugu dambeeya ee soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore uballan qaaday Madaxda Dawlad Gobolleedyada uu latashiga xukuumada siin doono,taas oo ka dhigan in Lafta gareen badelka Aadan Madoobe lasiiyey.

Kulan ayaa waxa lagu wadaa in caawa hoyga Aadan Madoobe ku yeeshaan Xildhibaanada laga soo doorto Deegaan ahaan Koonfur Galbeed,iyagoo ka munaaqashoonaya sidii ay isku fikir unoqon lahaayeen.

Sheekh aadan Madoobe ayaa waxa uu hadda sugayaa kulan dhexmaraya Xamse iyo Xasan oo ay kaga hadlayaan qancinta Afhayeenka golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la filayey Xukuumada Cusub ayaa lasoo dhisi lahaa 16-kii Bishaan balse saluuga Afhayeenka Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa dib loogu dhigay,iyadoo Villa Soomaaliya ay ka cabsi qabto hadii Aadan Madoobe la qancin waayo uu abuuro culeys baarlamaanka ah,islamarkaana Codka kalsoonida loo diido Xukuumada lasoo dhisi doono..