Khilaaf ka dhex qarxay Ilhaan Cumar iyo Xildhibaano Yahuud ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa waxay jawaab kulul oo naadir ah siiyay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga ka dib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamas.

Tiro xildhibaano Yuhuud ah ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay “cadeyso ereyadeeda”, laakiin Ilhaan oo ah wakiilka Minnesota ayaa si kulul u wareertay xildhibaanadan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhalleeceyn Ms Omar u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.

Sannadkii 2019-kii, waxay raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in ay lacag ay sabab u tahay taageerada Israa’iil.

Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.

Balse hadalkii xildhibaan ilhaan Cumar oo kahadashay kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Xamaas iyo Taalibaan ayna la barar dhigtay oo ay hal jumlo ay kula xusto Mareykanak iyo Israa’iil ayaa waxay khilaaf ka dhex dhalisay xubnaha xisbigeeda.

“in ay la barbardhigto Mareykanka iyo Israel Xamaas iyo Taalibaan waa hadal gef ah oo aan loo meel dayin” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubno uu hogaaminayo Jerry Nadler oo ka tirsan Dimuquraadiga lagana soo doorto New York.