Khilaafka iyo kala jabka ee guddiga waqooyiga oo dib u dhac u keeni karta doorashada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo baxaya saansaantii ugu horreysay oo muujinaysa in ay wax kasoo laabanayaan heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho, markii la gaaray xaaladdii fulinta.

Inkasta oo markii horeba uu ahaa qodob caqabadiisu badantahay muddo badanna la isku maandhaafsanaa xilligii heshiiska loo fadhiyay, ayaa haddana khilaafka cusub ee ku saabsan guddoonka guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa muujinaya weji khilaaf oo ka dhigan in qodobadii lagu heshiiyay ee doorashada ay wax badan kasoo laaban doonaan marka sida dhabta ah loo gudo galo xaaladdii fulinta.

Shalay labo garab ayuu u kala jabay guddiga Gobolada Waqooyi ee Doorashada, iyada oo garabka xubnaha uu soo magacaabay Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ay tallaabo qaadka ku horeeyeen, iyaga oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kuwaas oo loogu hambalyeeyay, laguna shaaciyay bogga rasmiga ee guddiga heer federaal ee doorashada iyo warbaahinta dawladda.

Dhinacyada kala taabacsan Rai’sul wasaara ku xigeenka Khadar guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas o durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.