Khilaafka ka taagan baarlamaanka Puntland oo cirka isku shareeray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muran ayaa ka taagan baarlamanka Puntalnd, kadib markii dhawaan la meel mariyay xeer hoosaadka baarlamanka kaasoo qodobbada qaarkood ay diideen xildhibaanada qaarkood, waxaana jira inay ku andacoonayaan in qodobbada qaarkood ay dastuurka ka hor imaanayaan.

Xildhibaanada Puntland ayaa shaley loo qeybiyay xeer hoosaadka golaha kadib markii 4-tii bisha uu baarlamaanka ansixiyay xeer hoosaadka cusub.

Mid ka mid ah qodobada uu muranka ka taaganyahay ee xeer hoosaadka cusub ayaa ah xaasanadda looga qaadi karo xildhibaanka 44 cod xildhibaanada, guddoonka , iyo waliba madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa isa soo tarayaa khilaafka ka dhashay arrintani maadama xildhibaanada ay ku kala qeybsameen xeer hoosaadkan.

Xildhibaanada kasoo horjeeda xeerka cusub waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Ahmad Kuluc ) kaas oo sheegay in ansixinta xeerkan aanan loo marin dastuurka.

“Xeer hoosaadkan hadda la baddalay ama golaha la keenay oo anaga aaminsanahay in sida wax u dhaceen ay khaldanaayeen, sharciyada ay baalmarsan yihiin”

Wuxuu ku dooday in ansixinta xeerkan aanan loo marin hanaan sax ah isla markaana ay waxbo kama jiraan kasoo qaadayaan.

“Laakiin xeer kasta iyo qodob kasta oo uu qof la yimaado hadduu dastuurka ka hor imaanayo waa waxbo kama jiraan”

Maxay qoonsadeen xildhibaanada?

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale sheegay in qodobka ay kasoo horjeedaan uu kamid yahay mid oronayo in xildhibaanada soo mara maamulka Puntland ay wax ku qaadan karaan wax la yiraahdo ‘maamuus’.

“Waaggii hore sidii xeerkii ku qornaa haddii guddoonka baarlamaanka uu wakhtigiisii dhamaado wuxuu lahaan jiray wax la yiraahdo maamuus, hadda waxaa ku qoran xeerkan in 66-ka xildhibaan ay maamuus leeyihiin, guddoonka, labada ku xigeen iyo baarlamaanka oo dhanba”

Xildhibaanada kasoo horjeeda arrintan waxay ku doodayaan in dhaqaale aanan loo heynin in xildhibaan kasta soo mara baarlamaanka ay lacag usoo dhacdo.