Khilaafkii Farmaajo & Rooble oo markale xoogeystay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Madaxtooyada waxaa ka socday kulamo lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamada oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, Wasiirka Waxbarashada & Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulamada ay hakad galeen.

Kulamadii ugu dambeeyay ee dhacay ayaa waxaa wararka aan helnay ay sheegayaan in qodobada qaar la iska fahmay, balse qodobka kaliya ee aad u adkaaday uu yahay in dhanka xafiiska Madaxweynaha ay dalbanayaan in Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasaarad kale loo wareejiyo, balse dhinaca Ra’iisul Wasaaraha ay ku adkaatay.

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo aocda ay dib u billaaban doonaan kulamada dhex-dhexaadinta ah, isla markaana ay kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.