Kiisaska Covid 19 magaalada Muqdisho oo Sacaddihii lasoo dhaafay kordhay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha.

Wasaaradda ayaa sheegtay in gobolka Banaadir kiisaska cudurka Karoonaha ay sare u kaceen Saacaddihii lasoo dhaafay.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka laga baaray dad gaaray 1,158. Guud ahaan waxaa dalka laga helay 43 ruux iyadoo 29 ka mid ah ay laga helay Muqdisho,Puntland 8,Somaliland 4 halka Jubbaland laga helay 1 ruux.

Maadaama sare u kac uu ku yimid dadka laga helayo cudurkan caasimada dalka ayaa waxaa ay wasaarada caafimaadka sheegtay in Isbitaalka Martiini ayaa mar kale dib u bilaabayo wax ka qabashada cudurkan COVID-19, Iyadoo gabi ahaanba la joojiyay Adeegyadii kale ee Isbitaalku u hayay Bulshada.