Kiisaska cudurka Karoonaha ee Muqdisho oo sii kordhay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 40 ruux.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (49) gobalka Banaadir (44), Koonfur Galbeed (3) iyo Galmudug (1) qof ah, 49 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 48-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,594, waxaa bogsootay 7,633 Ruux. guud ahaan 828 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.