Kiiska Ikraan Tahliil oo dib usoo laaba kacleeyay iyo Rooble oo lagu dhegan yahay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoyska Ikraan Tahliil ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugaga hadleen mowqifkooda ku aadan Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida 21kii November 2021,waxana ay sheegeen in xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada uusan awood u lahayn inuu xiro dacwad ka furan maxkamad.

Qoraal ay soo saareen qoyska Ikraan ayaa waxaa ay ku sheegeen war xaqiiqada ka fog hadalkii kasoo baxay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida (CQS) 21-kii Nofember uga dhigay “baaris hordhac ah oo ku saabsanaa kiiska Ikraan Tahlil Faarax.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Warbixin Baariseedka uu Xeer-ilaaliyaha ka sheegay warbaahinta ay khilaafsan tahay Habraaca loo maro baarista fal danbiyeed-yada.

Hoos Ka Akhriso Qoraal qoyska Ikraan Tahliil.