Kim Jong-un: “Dalkeyga wuxuu u dhaxeeyaa nolol iyo geeri”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dhaqaalaha liita uu sanadkan noqon doono muhiimadda koowaad ee dalkiisa iyadoo dalkaasi uu wajahayo “hardan nolol iyo geeri u dhaxeeya”.

Wuxuu ka hadlayay shirka xisbiga talada haya, oo ku soo aaday sana-guurada 10-aad ee uu Kim xilka hayo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhacaysay cunno yaraan baahsan, kaddib xayiraad uu iskiis dalkaas u soo rogay sababo la xiriira xanuunka Covid-19.

Khudbadiisa si toos ah uguma uusan soo qaadin Mareykanka amaba Kuuriyada Koofureed.

Kim ayaa sheegay dardargelinta horumarinta nolosha dadka ay tahay muhiimadda koowaad.

Wuxuu garwaaqsaday xaaladaha adag ee 2021 uu dalkaasi baday iyo muhiimadda ay leedahay in la xalliyo dhibaatada cuntada, dharka iyo guryaha ee ay dadku qabaan.

Wuxuu sheegay in sidoo kale la dagaallanka xanuunka safmarka ah uu ka mid yahay hadafka sanadkan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA.

Balse wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadda Pyongyang ay sii wadi doonto inay diiradda saarto xoojinta awooddeeda militari.

Wuxuu Jimcihii ka hadlayay gabagabada kulanka 4-aad ee xisbiga talada haya ee WPK, kaas oo furmay Isniintii.

Waxaa horraantii sanadkii hore soo baxayay warar sheegaya in dadweynaha dalkaas ay gaajo la il daran yihiin.

Xadka dalkaas ayaa xirnaa tan iyo bishii January 2020 si looga hortago xanuunka Covid-19.