Kim Jong-un Oo Wacad Ku Maray Inuu Ballaarinayo Nukliyeerka Kuuriyada Woqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa sheegay inuusan fileynin in Washington ay badasho siyaasadeeda ku wajahan Pyongyang – qof kasta oo madaxweyne ka noqda Mareykanka.

Isaga oo la hadlaya congress-ka ayuu Mr Kim wuxuu balan qaaday in la balaarin doono hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi iyo awoodaha military. Wuxuu sheegay in qorshooyinka ku saabsan nukliyeer badda hoostiisa ay dhammaad ku dhow yihiin. Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu isku diyaarinayo inuu xafiiska la wareego.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hadalada Mr Kim ay yihiin dadaal lagu doonayo in cadaadis lagu saaro dowlada imaaneysa, iyadoo Mr Biden lagu wado in la dhaariyo 20 Janaayo.

Mr Kim wuxuu ku riyaaqay xiriirka diiran ee madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka sii degaya Donald Trump, xitaa haddii wax yar oo horumar la taaban karo laga sameeyay wadaxaajoodka barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooy