Kim Jong Un walaashiis oo shaacisay arrin aan horay loo ogayn oo ku saabsan walaalkeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, walaashiis oo lagu magacaabo Kim Yo-jong ayaa sheegtay in walaalkeed uu aad u xanuunsaday muddadii uu socday cudurka safmarka ah ee corona.

Kim Yo-jong ayaa shegetay in uu “qandhaday” Kim Jong-un, waana markii ugu horraysay ee la shaaciyo hadal u muuqda in uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku dhacay fayraska.

Gabadhan ayaa sidoo kale ku eedeysay Kuuriyada Koonfureed in ay mas’uul ka tahay in uu cudurka soo gaaro dalkooda – iyadoo sheegtay inay xadka kasoo direen caleemo lagu tallaalay fayraska sababya cudurka Covid.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa eedeyntaas ku tilmaantay mid “aan sa iyo raad lahayn”.

Ms Kim ayaa hadalkan jeedisay xilli uu walaalkeed shaaciyay in lasoo afjaray saamaynta cudurka.

Kim Jong Un ayaa ku dhawaaqay in lagu guulaystay dagaalka ka dhanka ah fayraska corona, sida ay tebiyeen warbaahinta afka dowladda ku hadasha ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu sheegay in tirada ay dowladda shaacisay ee dhimashada oo ah 74 ay tahay “mucjiso lama filaan ah” marka lala barbar dhigo dalalka kale.

Hase ahaatee, dadka xaaladda u kuur galayay ayaa sheegay in tirada ay soo bandhigtay xukuumadda Pyonyang ay noqon karto mid xaqiiqda ka fog.

Khudbadda ay jeedisay Kim Yo Jong, oo ah gabar awood badan ku leh maamulka dalkeeda, ayay si caro ugu shegetay in waddanka deriska la ah – oo ay si wayn isaga soo hor jeedaan – uu kusoo fidiyay Covid-ka si uu ugu waxyeelleeyo.

Qaar ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa muddo tobannaan sano ah adeegsanayay xeeladda xuduudda farriimaha looga gudbiyo, iyagoo isticmaalayay buufinno ay ku ridayeen caleemo lagu qoray waxyaabo borabogaado ah oo la gaarsiinayo Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale khudbaddeeda ayay Ms Kim uga hadashay caafimaadka walaalkeed, waxayna tiri: “Inkastoo uu si aad ah ula xanuunsaday qandho daran, hal mar xitaa dhinaca dhulka ma uusan dhigin, isagoo ka fikirayay dadka uga baahan xannaanada ilaa laga soo afjaro dagaalka ka dhanka ah cudurka safmarka ah.”

Kuuriyada Waqooyi ayaa magaca “qandho” u adeegsata fayraska corona iyo bukaannada uu ku dhaco, maadaama aysan haysan qalab lagu baaro.