Kismaayo oo ka billaabaneysa doorashada golaha shacabka iyo Guddiga Doorashooy oo gaarayinka

KISMAAYO-AYAAMAHA-Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF), oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku- xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka gudigga maamulka doorashada dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Maxamud Dhaqane iyo xubno katirsan guddiga SEIT ee Jubbaland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay si rasmi ah uga bilaabato doorashada Aqalka hoose ee Gollaha Shacabka Baarlamanka 11-Aad ee Soomaaliya.

Jubbaland ayaa dhawaan shaacisay inay qabanayso doorashada 14 kursi oo kamid ah golaha shacabka, waana Maamulkii seddexaad ee billaabaya doorashada golaha shacabka inkastoo maalmo hakad ku jiro.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF)