Kismaayo oo ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Sakiin iyo Laftagareen

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Arbaco ah ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa uu kusii jeeda magaallo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo Koonfur Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Jubbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada.

Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorashada baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka.