Kongareeska Mareykanka Oo Laalay Codka Diidmada Qayaxan Uu Trump Dul Dhigay Miisaaniyadda Difaaca

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kongareeska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, arrinta oo ah middii ugu horraysay ee uu Trump la kulmo intii uu xilka hayay.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sanadka cusub uga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doolar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sanadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Senate-ka ayaa 81 ugu codeeyay hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Waxa ay arrintan imanaysaa laba maalmood uun ka hor marka Kongareeska cusub ee Mareykanka la dhaarin doono.