Koofur Galbeed oo qorshe cusub u dejisay dadka laga soo tarxiilay Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa qorshaynaya in ay diyaarado ku daabulaan dadkii laga soo raafay Laascaanood ee ku sugan Gaalkacyo.

Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen mas’uuliyiinta Puntland, si loo diyaariyo qorshaha daabulka dadkaas.

Wefdiga ayaa si gaar ah ula kulmay guddi xukuumadda Puntland u xil-saartay Taakulaynta dadka Rayidka ah ee laga soo raafay Laascaanood.

Guddiga ayaa qorsheeyay in goobo gaar ah la isugu geeyo dadka, si diyaarado loogu qaado loona gaarsiiyo magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Dowad Goboleedka Koofur Galbeed.

Arrintan ayaa waji gabax ku ah maamulka Somaliland oo ku dhiiraday inuu barakiciyo dad Soomaaliyeed oo haween iyo caruur isugu jira kuwaa oo waxba aan galabsan.

Waxaa dhanka kale xusid mudan in dadkan qaarkiis ay gaareen magaalada Baladweyne iyo deegaano kale oo dhaca Gobalada Dhexe ee Soomaaliya halkaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay iyadoo ay xusid mudantahay in hanta ay kaga soo tageen Laascaanood.