Koonfur Galbeed oo shaacisay Magacyada 13 Musharax oo kamid ah Golaha Shacabka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Talaado ah soo bandhigay Musharixiinta isu soo sharaxay 13 kii kursi deegaan doorashadoodu tahay Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Musharrixiinta Mahacyadooda la soo bandhigay ayaa gaaraya 26 musharrax, kuwaas oo ku tartami doona doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee beri ka bilaabaneysa degmada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Ilaa 7 kursi ayaa beri doorashadooda lagu qabayaa degmada Baraawe halka Maalinta xigta la qaban doono doorashada 6 kursi.