Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay Xubin katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa ay kusoo bandhigeen Xuin katirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada.

Ninkan oo Magaciisa lagu sheegay Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan ayaa saraakiisha ciidamada Nabadsugida ee degmada Xudur waxaa ay sheegeen in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka kuwa fuliya weerarada ee Jabhadaha loo yaqaano.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in muddo shan sano ah oo katirsanaa ururka Al-Shabaab, isaga oo ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay degaano katirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Hiiraan, balse aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Isaaq Cali Yaroow oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa Ciidanka Nabadsugida uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ay usameeyeen isagoona saaxibaadisa Shabaabka ah ugu baaqay inay isu soo dhiiban, isaga oo ku eedeeyay  inay dhibaato badan u geysanayaan dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa talisyada Ciidamada oogga dalka iyo Nabadsugida ee degaannada Koonfur Galbeed waxaa isku soo dhiibayay Rag katirsanaa Al-Shabaab, balse isaga soo baxay.