Koonfur galbeed oo war kasoo saartay sababta loo hor istaagay C/weli muudeey

BAYDHABO-AYAAMAHA-Maamul gobolleedka Koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay mamnuuceen hubka ay wataan murashaxiinta utartameysa xildhibaanimada golaha shacabka.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa amray wasiirkiisa Amniga isaaq cali subag in uu soo saaro warqad caawa maqribkii lagu muujinayey in wasaarada Amniga Koonfur galbeed soo gudbisay amar ah in murashaxiinta hub la tegi karin magaalooyinka doorashada ka dhaceyso.

Si dadban ayey Koonfur galbeed iskaga fogeysay is hortaagii maanta lagu sameeyey gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka wakhtigooda dhamaaday c/weli muudeey xilli maanta diyaarad uqaadi laheyd Baraawe laga reebay.

Waxay Wasaarada Amniga KGS qiil ugu raadineysay qoraalka ay soo saartay in la diido tartanka doorashada,golaha shacabka uu doonayey.