Koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda oo xalay nolosha lagu qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Degmada Dharkeenley iyo Ciidanka Booliska Saldhiga Dharkeynley ayaa xalay waxay si wadajir ah u fuliyeen Howlgal ka dhan ah Cayaal Weerada dhibaatada ku haya Bulshada Deegaanka.

Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro aad u fara badan kuwaasoo ku eedeysan inay ka mid yihiin Ciyaal weerada iyo qaar gacanta lagu soo dhigay iyaga oo gacanta kula jira ka qeyb qaadashada weerada, kuwaasoo laamaha Amaanka ay la wareegeen si sharciga loola tiigsado.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley Macalin Aadan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka, isla-markaana wuxuu farriin u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka bilaabay xaafadaha Dharkenley.

“Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah,” ayuu yiri Macalin Aadan.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa sheegay inay wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah cayaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku dhaqan Degmada Dharkeynley si ay gacan uga siiyaan Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.

“Ka maamul ahaan ka hay’ad amni ahaana waxaa naga go’an inaan ciribtirno, insha allah ciyaalkaas weerarada,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley.

Ciyaalkan oo hubeysan mindiyo, dhagxaan iyo waxyaabo kale ayaa caadeystay mudooyinkan iney dhexdooda dagaalamaan iyagoo u qeybsan kooxo iska soo horjeeda, waxayna sidoo kale dhibaato xooggan u geysteen dad aan waxba galabsan.