Koox dhinaca maaliyadda u qaabilsaneed Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

koox dhinaca maaliyadda u qaabilsaneed Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Galmudug ayaa wadajir u sheegay in howlgal ka dhacay Koofurta Gobolkaas lagu qabtay 5 xubnood katirsan ‘AS’ oo qaabilsan dhanka Maaliyadda.

Howlgalkaan waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Xinlabi & Baraag-Ciise ee Koofurta Gobolka Mudug DG Galmudug, Shantaan ruux ayay Dowladda Soomaaliya sheeegtay in loo gudbinayo Maxkamad.

Dowladda Federaalka & DG Galmudug ma sheegin magacyada 5ta ruux ee ‘AS’ u qaabilsan qaadista lacagaha (Dhanka Maaliyadda) sidoo kale sooma bandhigin sawirrada Raggaan lagu soo qabtay howlgalkaas.

Saraakiishaan katirsan Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta DG Galmudug ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Gaari nooca Raaxada ah gaar ahaan Toyota Land cruiser oo dadka qaar ay u garanayaan (Layla-Calaawi).

Ciidamada DFS, Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka oo isu kaashaday howlgallada ka socda Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in xayiraad lagu soo rogay Degmooyinka & deegaannada weli ay maamulayaan ‘AS’.