Koox Nabad Nolol u qaabilsan Baraha Bulshada oo dab kusii shidaysa khilaafka Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shalay waxaa soo baxday warqad lagu sheegay inay kasoo baxday wadahalada u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasoo lagu sheegay inay heshiiyeen labada masuul.

Warqada ayaa la sheegay inay ka soobaxday Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska agaasime ku xigeenka Madaxtooyada CABDINUUR, loona qiibiyey koox Nabad iyo Nolol u qaabilsan Baraha Bukashada.

Warqada ayaa ku qorneyd in Wasiirka Amniga iyo taliyaha Nabadsugida ee Rooble soo magacaabay ee Cabduulaahi Maxamed Nuur iyo Bashiir Goobe laga bedelayo laguna bedelaayo labo qof Madaxweyne Farmaajo keensan doono, kiiska Ikraan Tahliilna loo daayo Maxkamadaha ku shaqo leh.

Sidoo kale warqadan ayaa ku qorneyd in Ra’iisul wasaare Rooble loo celin doono awoodii laga xanibay taasoo uu ka xabinay Madaxweyne Farmaajo.

Ilaa iyo hada majirto war sax ah ama heshiis kasoo baxay khilaafka labada masuul. Haddii loo dhigo in warqaadan ay faafiyeen kooxda Nabad iyo Nolo ee Baraha Bulshada mid sax ah, ma ahan heshiis ee waxaa uu noqon karaa in Madaxweyne Farmaajo loo tanaasulay oo keliya, sababtoo wax laysku haayey ayaa ah Wasiirka Amniga, Taliyaha Nabadsugida iyo Kiiska Ikraan Tahiil.

Wararkale oo aan la hubin ayaa sheegaya in rag kale oo katirsan isla kooxdan ay Bashiir Goobe kagu qalqaalinayan inuu iska casilo xilka Nabadsugida ee Rooble u dhiibay, si Rooble taas dhabarjabin ugu noqoto.

Wararkan la faafinayo oo beenta ah ayaa qeyb weyn ka ah khilaafka labada masuul ee dalka ugu sarreeya iyo lataliyaasha labada dhinac oo midba mar layimaada sharuudo cusub.