Kooxda NABAD IYO NOLOL oo dood ka keentay qaabkii uu xilka ula wareegay Sh.muqtaar Roobow.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Kooxdii talada haysay muddadii shanta sano ee la soo dhaafay ee NABAD IYO NOLOL ayaa baraha bulshada waxay ka faafiyey sawirada muujinaya in RW Xamza uu ilaaladiisa ay qaab qarsoodi ah uga soo dhex mooqdeen kulanka xilwareejinta Sheekh Muqtaar, iyagoo u fasiray in RW Xamza uu cabsi ka qabo Roobow.

Roobow ayaa waxaa uu ka mid ahaa asaasayaasha ururka Al-shabaab, inkastoo ururkaasi uu horey ugu baxay sidookalena uu la dagaalay.