Kooxo hubeysan oo Askar ku dishay Magaalada Muqdisho.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay waxaa ay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan Millateriga, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmadaas.

Askarta la dilay oo laba ahaa ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, kuwaas oo siweyn looga yaqaanay degmada Kaaraan, isla markaana muddo badan ka Shaqeeynayeen Gudaha degmada Kaaraan.

Warar kale ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga dilka geystay oo Shabaab ahaa mid kamid ah ay goobta ku dileen askar kale oo ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay, sida ay sheegeen dad goobjooge ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska degmada ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubno kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo baxsaday.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka loo geysto askarta kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxana inta badan mas’uuliyadda dilalka sheegta Ururka Al-Shabaab.