Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada.

Kooxda ayaa la sheegay in ay dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo si weyn looga yaqaanay magaalada Beledweyne.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi oo ka mid ahaa Cidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidanka booliska Hirshabeelle oo halkaasi ka sameeyay baaritaano..