Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dishay Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa saaka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ay kudileen Nin Odaya ahaa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ahaa nin Odayga ayaa xilliga la dilayay waxaa uu kusugnaa meel u dhow Guri uu deganaa oo kuyaalla inta u dhaxeysa Ex-koontroool Afgooye iyo Haanta-dheer ee Magaalada muqdisho, xilli uu kasoo laabtay Masaajidka oo uu Salaad Subax kusoo dukaday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Ninka Odaaga ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay, iyada oo maalmihii la soo dhaafay dadka kunool Xaafada haanta-dheer ee degmada deeyniile ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo todobaadkaan magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan 5 Ruux oo shacab ahaa.