MUQDISHO-AYAAMAHA-In kabadan 80 Xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaaka JFS ayaa Madaxda ugu Sareysa dalka ku Canbaareeyay Xayiraada Duulimaadka Rayidka ah ee ay kasameeyeen Deegaanada Dawladda Jubaland.
Ku: Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ee XFS Muqdisho=
Ku: Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed =Muqdisho=
Og: Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha XFS =Muqdisho=
Ujeedo: Canbaarayn iyo Digniin.
Markaan Aragnay: qodobada 61aad iyo 69aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS oo si cad uqeexaya in xildhibaan kasta oo ka mid ah labada aqal ee BJFS marka uu xilkiisa gudanayo in uu u shaqeeyo sida ay danta qaranka ku jirto iyo dareen iskaashi Federaalnimo, isla Markaana siinaya awoodda la-xisaabtaanka, kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee heer Federaal iyo in ay dib u eegis xileed ku sameyn karaan hay’addii ka soo bixi wayda waajibaadka ay u xil-saarantahay iyo tii ku xad gudubta Dastuurka, Shuruucda kale ee Dalka iyo Axdiyada Caalamiga ah ee ay Soomaaliya qaybta ka tahay.
Markaan Aragnay: qodobka 21 und ee Dastuurka KMG ah ee JFS oo damaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo si sharci ah ku degan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Markaan Akhrinay: xeerarka Axdiga ICAO/Chicago
Annaga oo ah qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ee ay magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan si kulul u canbaarayneynaa Maamulka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee qaadatay amar khilaafsan Shuruucda Dalka iyo kuwa Caalamiga ahba. Waxaan kaloo cambaareyn iyo eedeyn dusha kaga tuureynaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bixisay amarkaa qaldan isla markaana Caadeystay in ay si bareer ah ugu xad-gudbaan xaqa muwaadiininta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay dalka gudihisa si xor ah ugu kala gooshaan markii ay doonaan.
Waxaa muddooyinkan soo noq-noqday xayiraad lagu soo rogayo duulimaadyada u kala goosha gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo si ulakac ah looga joojiyay duulimadyadii rayidka ahaa, waxa sidoo kale dhacday marar kala duwan in shaqsiyaad ay ku jiraan Xildhibaano lagaga hor-joogsaday in ay u dhoofaan Baydhabo iyo Kismaayo xilliyo kale duwan.
Hadaba, Xildhibaanadu waxa ay ka digayaan falalkaasi gurracan ee liddiga ku ah Dastuurka iyo sharciyada waddanka u yaalla, lagana waan toobo in la siyaasadeeyo adeegsiga ciidaamada Qaranka iyo Hay’adaha bixiya adeegyada rayidka, waana gef iyo ku xadgudub loo geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed. Sigaar gaar ah waxaan uga digeynaa Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada XFS iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo u xilsaaran howlaha duulimaadyada dalka in ay ku milmaan qilaafyada siyaasadeed ee jira, waana in waajibkoodu ay u gutaan si waafaqsan Dastuurka dalka, oo ayna siyaasadeynin duullimaadyada gudaha iyo adeegyada ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kana joojiyaan carqaladeynta iyo xagal daacinta duulimaadyada rayidka.