Ku dhawaad 1000 qof oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afghanistan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dilay 920 qof dalka Afghanistan Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka masiibooyinka, iyadoo in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaraha uu sii kordho sida ay sheegayaan xogaha laga helayo tuulooyinka fogfog ee buuralayda ah.

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka.

Dadaallada samata bixinta ayaa diyaarado Helicopters ah gaarsiiyay goobaha musiibadu ka dhacday si loo gaaro dadka dhaawaca ah si ay u helaan gagaar caafimaad iyo cunto, sida uu sheeegay Salahuddin Ayubi. oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

“Dhimashadu waxay u badan tahay inay sii kororto maadaama tuulooyinka qaarkood ay ku yaallaan meelo fogfog oo buuraleyda ah, waxayna qaadan doontaa waqti in la soo ururiyo faahfaahinta.” ayuu raaciyay Ayubi.

Dhul-gariirkii Arbacadii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa tan iyo sanadkii 2002. Waxa uu ku dhuftay meel 44 km u jirta koonfurta bari ee magaalada Khost, una dhaw xuduudka Pakistan, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGC).

Inta badan dhimashadu waxa ay ka dhacday gobolka bari ee Pakistan, halkaas oo 255 qof ay ku dhinteen in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheeegay Ayuubi.

Musiibadan ayaa imaaneysa iyadoo Afghanistan ay la daalaa dhacayso dhibaato dhaqaale oo aad u daran tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen talada dalkaas, iyadoo ciidamada caalamiga ah ee uu hogaaminayo Mareykanka ay isaga baxeen kadib labaatan sano oo dagaal ah..