Ku dhawaad 24 saacadood’ Hotel Hayat waxaa ka dagaalamaya Al-shabaab. Aawi xukuumadii Xamza iyo CumarFilish?’

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Hotel Hayat ku dhawaad 24 saacadood waxaa ka dhex dagaalamaayo kooxo hubeysan oo katirsan Al-shabaab, walina lama haayo maamul Gobol iyo mid degmo oo ka hadlay arrintaan.

Xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey in dadka aan la socod siinin wax ka dhacaya iyo in ay dhibaatada la qeybsadaan bulshada ay masuulka ka yihiin, sidookalena kaalin muuqatana ka qaataan la tacaalidda dadka ku waxyeeloobay.

Soomaalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho waxaa wax walba uga muhiimsan amniga, waa in ay helaan maamul masuuliyad iska saara sugidda amnigooda, maalinta ay xanuun dareemayaanna la xanuunsada.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay balan qaatay in Amniga Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka uu wax ka qaban doono balse taas bedelkeeda markii la doortay Xasan Sheekh waxaa dadka reer Muqdisho ay la kulmeen amni darro aad u baahsan.