Ku dhawaad 40,000 oo arday oo Imtixaanka Shahaadiga ugu fadhiisatay Somaliland

HARGEYS-AYAAMAHA-Afartan kun oo ah ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayuu saaka u bilaabmayaa imtixaanka shahaadiga ah. Ardaydan oo iskugu jira kuwa dhigta dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ba ayaa imtixaanku u socondoonaa lixd maalmood.

Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ayaa saakay furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe, kuwaas oo ka kala dhacaya Magaalooyinka Hargeysa, Laas-caanood iyo kuwa kale.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa fariin iskugu jirta hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay sanadkaan ay yihiin Ardaydii ugu tirada badneed markii ugu horreesay Imtixaanka ugh fadhiista deegaanada iyo degmooyin Somaliland.