Kulamo Siyaasadeed iyo olole xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada kuwaas oo qeyb ka ah olole siyaasadeed oo aad u xooggan oo ka socoda magaalada.

Sida aan xogta ku heleyno madaxda maamul goboleedyada ayaa wada kulamo ay la qaadanayaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, waxa ay sidoo kale la kulmayaan xildhibaanada siyaasad ahaan aad ugu dhaw.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa saameyn xooggan ku leh ololaha socda, waxaana madaxda qaar u ololeenayaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ololaha ugu xooggan wada, waxa uuna Laftagareen dhisayaa guddoomiye Baarlamaanka uu rabo si u sahlanaato in Farmaajo isna kusoo baxo doorashada Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale olole xooggan Muqdisho xalay ka bilaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa sidookale xalay waxaa uu la kulamy labada Madaxweyne Maamul goboleed oo kala ah Guudlaawe iyo Saciid Deni, taas oo qeyb ka ah ololahiisa oo la sheegay in sanadkaan uu ka wanaagsan sanadihii hore, waana qofkale keliya ee la isku raacsan yahay in isbedel la imaankaro.