Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Safiirka Ingiriiska.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka oo qorsheysan in laga sameeyo degaannada Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga shabeelle isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hir-shabeelle.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.