Kulan ka dhan ah Qoorqoor oo lagu qaban lahaa Muqdisho oo la hor istaagay

Waxaa la baajiyay kulan lagu dhisi rabay Gole loogu magacdaray Badbaadinta DG Galmudug, kaasi oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka, Axmed Cabdi Qoorqoor.

Kulankaan oo abaabulkiisu uu ka socday magaalada muqdisho labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa hor kacayay xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug kana aragti duwan madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Milkiilayaasha Hoteelka la cillaamiyay in uu ka dhaco kulanka ay culeys kala kulmeen Xubno ka tirsan Villa Somalia iyo maamulka Galmudug.

Ma cadda sababaha rasmiga ee baajiyay kulankan oo galabta lagu ballansanaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.