Kulan Looga Hadlaayay Amniga Magaalada Dhuusamareeb Oo La Qabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay amniga guud ee deegaanada Maamulka, waxaana shir guddoomiyay Wasiirka Cadaaladda Galmudug ahna kusimaha Madaxweynaha.

Kulanka ayaa waxaa intiisa diirada lagu saaray sugida amniga Caasimadda Maamulka iyo  howlgalo lagu xaqiijinayo amniga oo ka socda, isla markaana waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Booliiska iyo Nabadsugida.

Wasiirka Cadaaladda Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow Cabdi-Baliile ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa Warbixino la xiriira howlgalada socda ka dhageystay Saraakiisha laamaha amniga iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga.

Wasiir Cabdi Maxamuud ayaa laamaha ammaanka ku boggaadiyay shaqooyinga ay wadaan iyo baaritaanada ka socda xaafadaha kala duwan ee Caasimadda Maamulka ee Dhuusamareeb, kuwaasi oo lagu suganayo amniga.

Ugu dambeyn Wasiirka Cadaaladda Galmudug Saraakiisha faray inay sii dardar-geliyaan howlaha ammaanka, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.