Kulan muhiim ah oo dowladda dhexe & dowlad gobolledyada uga furmay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo qoray Guddoomiye Yuusuf ayuu ku yiri “Waxaan maanta daah furnay shirweyne loogu hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan oo socon doonna muddo Afar Maalmood ayaa loogu hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan Dowladdaha Hoose iyo Hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo lagu sameeyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka, gaar ahaan Caasimadda”

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan. Waxaa uu sidoo kale sheegay in hirgelinta Mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga iyo xuquuq helida Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Fiqi ayaa bogaadiyey dar dar gelinta barnaamijkaan kuna tilmaamay mid wax badan isbadel ka keeni doono shaqada laga filayo inay kasoo baxdo.

0