Kulan Shaki Abuuray Oo Xalay Yeesheen Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen.

MUQDISHO-AYAAMAA-Kulan saacado qaatay ayaa xalay hotelka Decale ee garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ku yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug,Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Seddexdaan Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa kulankooda waxaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Arrintaan kulanka ayaa la sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, islamarkaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa doonayaan in marka hore ay kulamo la yeeshaan musharaxiinta mucaaradka, si gaar ahna madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa arrintan aad u doonaya.

Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa rumeysan inaysan arrin wanaagsan u muuqan inay go’aan qaataan ayaga oo aan la hadlin mucaaradka.

Guudlaawe ayaa waxaa la doortay un laba bil ka hor, oo ma helin fursad uu kula kulmo mucaaradka, halka Lafta-gareen, inkasta oo uu aad ugu xiran yahay Villa Somalia uu doonayo inuu ugu yaraan isu muujiyo mas’uul xal raadinaya.