Kulanka ugu horreeya ay yeelanayaan Xildhibaannada labada Aqal oo la shaaciyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo khamiis ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Afisyooni waxaa lagu soo geba-gaboobay Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo labada Xildhibaan ee uu da’da weyn loo doortay Guddoomiyeyaal Kumeel gaar ah.

Guddomiyaha Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa loo doortay Cabdisalan Xaaji Liibaan (Dhabancad) halka Gddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Aqalka Sare loo doortay Maxamed Cali Yuusuf  (Gaagaab)

Guddoomiyeyaasha Kumeel gaarka ah ee labada Aqal oo Goobta ka hadlay ayaa shaaciyay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay Xildhibaannada yeelan doonaan kulamadooda ugu horreeya.

Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee golaha Shacabka aya waxay soo jiitameysay mudo kow labo sano, waxaana horyaalla Shaqooyin adag oo ay ugu horreeyaan doorashada Guddoonka labada Aqal iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.