Kulankii Golaha Shacabka oo lagu dhaariyay Xubno kamid noqonaya Guddiga Arrimaha Dastuurka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe iyo ku-xigeennadiisa oo ka qeyb galay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa10-aad, oo maanta Ajandihiisu ahaa aqrinta 1aad xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaana Golaha ka hor akhriyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha BJFS ayaa Golaha u soo jeediyey Ansixinta iyo dhaarinta laba xubnood ee Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta Dastuurka, kuwaas oo ka kooban labo xubnood waxayna kala yihiin.

1-Marwo Xaliimo Jaamac Afrax
2-Qareen Daahir Xasan Cabdi,

Xubnahaas oo uu soo magacabay Ra’iisul wasaare  Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii ay soo jeedin sameeyeen 11 Xildhibaan sida uu qabo qodobka 25aad ee xeer-hoosaadka ayuu Guddoomiyahu dib u dhigay maadaama Xildhibaano qaar ay mooshin ka keenen ansixintooda.