Kumanaan mudaaharaadayaal ah oo isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay ugu baaqaan in la adkeeyo sharciga hubka ka dib toogasho wadareed bishii hore ka dhacday gobolka Texas.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in la joogo waqtigii la tusi lahaa siyaasiyiinta in dadka Maraykanku ay dalbanayaan oo ay mudan yihiin inay ku noolaadaan noolal xor ka ah rabshadaha iyo dhibaatooyiinka hubka la xiriira. Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay inta badan magaalooyiinka waawayn ee dalka Mareykanka.

Magaalooyiinka ay dibadbaxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah Washington, New York, Los Angeles iyo magaalada Chicago.

Waxaa dadka dibadbaxa dhigayay ka mid aha dad ay eheladooda ku dhinteen toogashooyiin horey uga dhacay dalka Mareykanka .

Hal-ku dhiga dibadbaxyadani ayaa ahaa , markan xaaladu way ka duwanaan doontaa sidii hore.

Aqalka Congress-ka ee ay Dimuqraadiyiinta gacanta ku hayaan ayaa Arbacadii meel mariyay dhowr qodob oo dib-u-habayn dhanka shuruucda hubka ah , laakiin Senate-ka Jamhuuriyinta ay u badan yihiin ayaa hubaal ah inay baabi’in doonaan isbadaladasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageeray mudaaharaadyada, isagoo ugu baaqay Congress-ka inay “meel mariyaan sharciyo lagu xakameynayo hubka”.

“Isku soo baxa wada, waa muhiim oo waa in ay arintani noqotaa mid doodaha doorashada soo gasha. Xildhibaannada kongereska iyo Senate ku dadka way dhagaysan hadii ay yiraahdaan arintani codka aanu bixinayno ayay saamayn doonta. Dad badan baa macno darro ku dhinta waana waxa laga doonayo in congresska iyo senatku ka doodaan, waa arin muhiim ah oo ay tahay in wax laga qabto ,aragtida ah dadka hubka laga iibinayo xataa yaan taariikhdooda la baarin waa wax aan la aqbali karin, makraa xalku waa dibad baxyo in la dhigo,” ayuu yiri Mr Biden.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday toogashadii ka dhacaday Parkland , David Hogg, oo magalada Washington kula hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dhibaatada caruurta ka soo gaarta toogashooyiinka dhaca .

“Waxaan aragnaa dhibaatada hubku gaadhsiiyey caruurta aan waxba galabsan ee lagu laayey Uvalde. Naxashyada yaryar ee maydka caruurtii jidhkooda rasaastu jarjartay ku jiraan waa wax laga argagaxo, waa wax ay tahay in aan dhamaanteen ka cadhoono oo aynu dalbanno in sharciyada wax laga badelo ee aan la wadin uun dood aan waxba bedelayn, hadda hadda maaha berri todobaadka dambe iyo sannadka dambe toona lama sugayee hadda wax há laga qabto,” ayuu yiri

19 caruur ah iyo laba qof oo waaweyn ayaa lagu dilay toogashadii 24-kii May ka dhacday Dugsiga Hoose ee Robb oo ku yaalla gobolka, Texas.

Weerarkaas, iyo weerar kale oo maalmo ka hor oo ka dhacay Buffalo, New York, islamarkana ay 10 qof lagu dilay, ayaa horseeday baaqyo soo cusboonaaday oo ku aaddan in wax laga qabto hubka sida fudud la isaga iibsado ee Mareykanka.