Kumuu ahaa Janaraal Ceydiid oo 25 sano ka hor geeriyooday?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

Kumuu ahaa Ceydiid

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare

Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975.

Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay.

Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya.