Kuraasta Somaliland oo weli ay isku haystan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli lagu wado in saacadaha soo socda xerada Afisyooni lagu saxiixo heshiiska doorashada Soomaaliya, ayaa wararka aan ka helayno Muqdisho waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, uu ka caga-jiidayo ka qeybgalka munaasabadda xiritaanka shirka.

Cabdi Xaashi oo dadaal ay sameeyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada kadib lagu qanciyey inuu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin ayaa lasoo sheegayaa inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo qaar ka tirsan siyaasiyiinta Waqooyiga ee ka tirsan garabkiisa.

Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka.

Warqad xalay ka soo baxday siyaasiyiinta taabacsan gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in aanay qeyb ka ahayn go’aannada shirka laga soo saarayo haddii uu ku dhammaado iyadoo aan gudoomiye Cabdi Xaashi laga talo-gelin go’aanka kuraasta Somaliland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa kamid ah dadka maanta lagu waday in ay khudbad ka jeediyaan xafladda xiritaanka shirka iyo saxiixa heshiiska.

Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa kamid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay shirarkii looga arrinsanayay doorashada Soomaaliya, waxaana la filayay in dhinacyada isku haya ay heshiis ka gaaraan ka hor inta aan la soo gebagabeyn kulanka ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada Afisyooni uga socday muddada shanta maalin ah.