Kursi uu damac uga jiray Jen.Bashiir Goobe oo qoondo dumar laga dhigay

General Bashiir Goobe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kursiga #HOP018 oo uu damac ugu jiray Agaasimihii hore ee NISA Bashiir Goobe ayaa wararki waxaa ay sheegayaan in loo asteeyay dumar, waxaana lagu qanciyay taliyaha inuu ku soo bixi doona qof uu isaga keenday.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Fahad Yaasiin loogu daneeyay, si uusan Bashiir Goobe isugu sharaxin xill Guddoomiye kuxigeenka 1aad oo uu Fahad aad uga baqayay Bashiir Goobe inuu isu sharaxo haddii uu Xildhibaan noqdo.

Hase ahaatee loolanka kursiga Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ayaa ah mid xooggan oo ay ku loolami doonaan dhinacyo kala duwan, waxaana ay saadaasha koowaad ee Kooxda Farmaajo ku tijaabinayaan isku daygooda dib ugu soo laabashada xukunka, iyadoo la xusuusto isku daygan oo kale inuu guuldareystay sanadkii 2017 markii Faarax C/qaadir oo saaxib la ahaa Xasan Sheekh looga adkaaday doorashadii Guddoomiye Kuxigeenka koowaad oo sidaas washamsi loogu qaaday, waana suura gal inay Fahad Yaasiin sidaas oo kale ku dhacdo oo loo midoobo.

Fahad Yaasiin oo mudo soo ahaa mid kamida ragga ugu awooda badan nidaamkii uu hogaamiyo Farmaajo, ayaa waxanoo dadaala ah u bixinaya si uu u helo kursiga Kuxigeenka 1-aad ee gudoomiyaha golaha shacabka, si xasaanad buuxda uu u helo, isagoo ka cabsi qaba iney ku soo laabtaan gabood faladii uu geystay mudadii uu awooda ku lahaa dowladdan.