Kursiga ugu dambeeya doorashada Aqalka Sare ee Maanta oo Gabar ku guuleysatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afiyooni lagu doortay kursiga Shanaad ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Kursigan waxaana ku tartami lahaa Maxamed Maxamuud Cabdi iyo leylo Axmed Ismaaciil, balse uu u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi.

leylo Axmed Ismaaciil ayaa cod gacan taag ah ku guuleesatay, waxaana ay heshay 39 Cod halka 6 kalana ay ka aamuseen.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta Aqalka Sare ayaa goordhow bilaabatay, kaas oo ay ku tartamayaan Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo Saynab Axmed Boqore.