Kursiga uu ku fadhiyo wasiirka amniga oo la filayo inuu kusoo baxo doono MW Sheekh Shariif

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.
Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdan kursi oo kala ah HOP#135 ,HOP#141,HOP#146 la qaban doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 30-ka bishan Abril.

Kursiga HOP#14 uu horey ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sannadkan tolkiisa siiyeen laguna wadaa in loo xiro Madaxwey6nihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale hada ah Musharax Madaxweyne.

Waxaa sidoo kale kursiga  HOP#141 uu horey ugu fadhiyay Wasiirkii hore Amniga Maxamed Isloow Ducaale, ayaa lagu waramayaa in doorashadiisa la furayo, waxaana kursigan musharaxiinta ku tartamaya mar kale ku jira Xildhibaan Islow Ducaale.

Kursiga saddexaad ee doorashadiisa ka dhaceyaso Jowhar  HOP#146 oo horey ugu fadhisay Xildhibaanadii Qaraxa lagu dilay Aamina Maxamed Cabdi ayaa laga yaabaa in kursiga loo xiro qof ay soo xusheen qoyska Xildhibaanada la dilay.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwa ugu dambeeya ee deegaan doorashadooda tahay maamulka Hirshabelle marka laga reebo kursi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo natiijadiisa la laalay mar kalana lagu wado in dib loogu celiyo.