Kursigii Pro Jawaari laga boobay oo baaris lagu billaabay iyo go’aanka Guddiga doorashooyinka.

doorashooyinka Heer Federaal
doorashooyinka Heer Federaal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in ay dhswaan bilaabayaan baaritaanka kursiga HOP#103 oo  abashada ka timid, kaas oo dhawaan sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari loo diiday in uu u tartamo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ujeedkooda ugu weyn ay Baydhabo u tageen ay tahay inay dib u eegis igo baaritaan ku sameeyaan kuraasta ay cabashada ka timid, si xal looga gaaro.

Doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka kala dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa ka timid cabasho xoogan kadib markii laga reebay dad doonayay inay kuraasta qaar u tartamaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro wuxuu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafatagareen ay kala hadleen sidii wax loiga qaban lahaa cabashooyinka, isla markaana doorashooyinka u noqon lahaayeen kuwo daah furan.