Kursigii uu banneeyay RW Xamse oo doorashadiisa la shaaciyay.

XAMZA HOP#203

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa shaaciyay jadwalka qabashada kursiga tirsigiisu yahay  HOP#203 oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa horay loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre balse uu waayay markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 15-ka Bishaan oo ku began Maalinta Arbacadaha ay ka dhaceyso doorashada kursiga HOP#203, magaalada Kismaayo.