Kursigii uu damacsanaa Lafta gareen iyo kuraas kale oo maanta diiwaangelintooda dhaceysa Baydhabo.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Isniin ah diiwaangelinaya musharrixiinta  7-dii kursi ee ugu dambeeysay Kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadooodu tahay Maamulkaasi koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa shalay shaaciyay Jadwalka doorashada 7 Kursi, kuwaas oo Maalinta Berito ah lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.

1: HOP#181 oo ay ku fadhiso Maryan Macalin Isaaq.

2 HOP# 204 oo uu ku fadhiyo Macalin Cali Aadan

3: HOP# 197 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee howlaha Guud & Guryeynta Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey

4: HOP#179 Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)

5: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamuud, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

6: HOP# 164 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Isaaq Fanax

7: HOP# 047 oo ay ku fadhiso Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Maalinta berito ah ayaa waxaa la filayaa in Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ay soo geba-gabeeyaan doorashada guud ahaan kuraasta Golaha Shacabka oo ay maamulayeen..