laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Maandooriye & Dad ka Ganacsanayay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Booliska Galbeed ayaa xalay howlgal Wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliye kuxigeenka Saldhiga Galbeed ayaa sigaar ah looga fuliyay Waaxda Afaraad ee degmada Dharkeenleey kadib cabasho ay dadka Xaafadaas ka keeneen Kooxo Ciyaal weeraro ah iyo kuwo iticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana Guryaha qaar laga soo saaray, khamri, Xashiish, Kaniiniyaal iyo Agab kale.

Taliye Booliska qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in howlgalka ay uga jawaabayeen cabasho ay usoo gudbiyeen Odayaasha Dhaqanka oo dhibaato kala kulmay Koox Ciyaal weero ah oo dhaqan xumo kusoo kordhiyay degmada Dharkeenleey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan iyo dad ka Ganacsanayay, isaga oo Waalidiinta ugu baaqay inay Carruurta dadka dhibaateeynaya ay ceshadaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa xaafado katirsan degmooyin kuyaalla Bariga iyo Galbeedka Gobolka Banaadir dadka kunool dhibaato ku haayay Kooxo Ciyaal weero ah iyo dad isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya taas oo keentay in Ciidamada dowladda ay howlgallada kordhiyaan.